Xiriirka Ciyaaraha Teniska Dheer oo Qorsheynaya Tartamo Teniska ah


Xiriirka ciyaaraha Teeniska dheer ayaa bilaabi doona tartan lagu magac daray Muqdisho Open  kaa oo lagu tijaabin doono tababar uu dhawaan  xiriirka  usoo xiray  ciyaartooyda loo qorsheeyay inay  tartanka ka qeeb galaan.

Xiriirka Ciyaaraha Teeniska dheer ayaa mudo 12 sano kadib dhawaan lagu doortay magaalada Muqdisho waxaana ay haatan xiriirka ciyaaraha Teniska dheer ay wadaan qorshe ay dib ugu soo nooleynayaan ciyaaraha Teniska dheer ee Soomaliya.

Todobaadyadii lasoo dhaafay xiriirka ayaa waxay muqdisho ka wadeen tababaro ay kusoo saarayeen ciyaartoy ka qeeb gasha tartamo ay qorsheynayaan in dhawaan ay ka Daah-furaan magaalada Muqdisho.

Tartanka  Muqddisho  Open  ayaa daaha laga rogi doonaa 30 -ka bisha  November  2017 waxaana tartankasi ka qeeb gali doona  24 ciyaaryahan oo Wiilal iyo Gabdho isugu jira.

 

Xoghayaha xiriirka Ciyaaraha Teniska dheer Xamze Xaaji Cabdi   ayaa sheegay in ciyaartoyda ka qeeb galaya tartankaasi laga xulan doono xidigo ka qeeb gala tartamada  heerka caalami.

 

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone