Tartanka Teeniska Muqdisho Open o muqdisho lagu soo gebogabeeyay+Sawirro

Xiriirka Soomaaliyeed ee Teeniska dheer ayaa magaalada muqdisho kusoo gebogabeeyay tartanka Teenika dheer oo si xiso leh uga socday magaalada Muqdisho, waxaana kulanka kama dambaysta kasoo qeyb galay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, Guddiga Olombikada Soomaaliyed, qaar kamid ah madaxda Xiriirada, maamulka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale .
Ciyaarta fiinaalka oo dhex martay Maxamed Maxamuud Maxamed ( Beyga) iyo Mahdi Cusmaan Axmed oo kasoo dhex baxay 18 ciyaaryahan oo ku loolamaye qeybta kali kaliga ee Wiilasha Waa weyn ayaa garoonka Wiish kusoo bandhigay ciyaar aad loogu riyaaqay waxaan badayay waqtigii ciyaarta loogu tala galay 6-4 7-5 oo ay guusha ku raacday Mahdi Cusmaan Axmed.
Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Xoghayaha guud Xiriirka soomaaliyeed eeTeeniska dheer Xamze Xaaji Cabdi waxuuna tilmaamay in kadib dadaal dheer ay ku guuleysteen in ay dib usoo nooleeyaan Xirirka Teeniska oo doorashadiisa sanadkan qabsoontay isla sanadkanna ay ku dadaaleen in ay qabtaan tartanki u horeeyay ee ee loogu magacdaray Muqdisho Open kaasoo noqonaya tartanka u horeeyay muddo 12 sano ah.
Xoghayaha ayaa dhanka kale mahad celin usoo jeediyeen ciyaartoyda, macallimiinta, garsoorayaasha iyo madaxda xiriirka oo u dhabar adeegtay howsha baaxada leh ee qabteen bilowga sanadkaan , waxuuna ka dhawaajiyey in sidoo kale ay soo celin doonaan maqaamkii ay ciyaarta Teeniska Soomaaliya lagu yaqiinay heer caalami iyo gudaha dalkaba.
Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Wiish oo Xaflada ka hadlay ayaa sheegay in maamulka Gobolka ay horey usoo qabteen tartanno heer degmo ah oo ciyaaraha kale gedisan ah , basle ay xoogga saari doonaan sidii Gobolka Banaadir ay uga qabsoomi lahaayeen ciyaaraha Teenis oo heer degmo ah si loo helo ciyaartooy wanaagsan oo heer qaran gaara.

Madaxa arimaha xiriirada GOS Xaaji Maxamed Axmed Coloow oo goobta ka hadlay ayaa soo dhaweeyay dadaalka kartida ku dheehan ay xiriirka ku qabteen taana ay ku gaareeen in xiriirka dadka ka shaqeeyay dhammaan ay yihiin dad soo ciyaaray soona maamulay ciyaarta Teeniska, waxuuna ku booriyey in ay halkooda kasii wadaan guddiga Olombikada Soomaaliyeedna ay garab taagan yihiin.
Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga Mudane Axmed Cumar Islow oo tartanka soo xeray ayaa ammaan ballaaran usoo jeediyay Xiriirka Teeniska , isagoo tilmaamay in ay adag tahay in sanad gudahiis doorasho, uruurin ciyaartoyda tababarid iyo tartan ay howl aad u culus balse ku timid dadaal ay sameeyeen xiriirka, waxuuna ballan qaaday inwasaaradda ay gacan ka geysan doonta horumarinta ciyaarta Teenika dheer.
Wasiir ku xigeenka axmed cumar islow ayaa gudoonsiiyay ciyaaryahankii ku guuleystay kookii muqadisho open kaas lagu maga caabo mahdi cusmaan axmed .

 

 

 

 

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone